Muwaadin Soomaliyeed oo Ka Been Sheegay Dhalashadiisa oo Lagu Xiray Dalka Sweden

0

Saraakiisha Socdaalka garoonka diyaaradaha Ninoy Aquino ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo iska dhigayay dad u dhashay dalka Sweden kaa oo doonayay in uu u duulo boqortooyada ingiriska.

Abdinajah Mohamoud Aden oo ah 23 jir Soomaaliyeed ayaa doonayay in uu u duulo magaalada London balse baaritaan ay ku sameeyeen waaxda la socodka duulimaadyada ayaa lagu ogaaday in aanu aheyn muwaadin u dhashay dalka Sweden.

Muwaaadinkaan Soomaaliyeed ayaa 25-tii November waxa uu tagay magaalada Manila isaga oo isticmaalaya passport-ka soomaaliya, waxaase safarkiisa xiga uu isku dayay in uu isticmaalo baasaboor Swedish si uu u raaco shirkadaha diyaaradeed ee laga leeyahay dalka Philippine.

Su’aalo la weydiiyay ka hor inta uusan duulin kuwaa oo ku saabsan macluumaadka dhalasho ee uu wata iyo in markii hore baasaboor Soomaali ah in uu isticmaalayay kaa oo u xareesnaa ayaa sababtay in shaki ay ka qadaan laamaha amniga.

Abdinajah Mohamoud Aden ayaa ugu dambeyn dib loogu soo celiyay gudaha dalka Soomaaliya kadib markii lagu qasbay in uu carbuunto duulimaadka ugu horeeya ee la helikaro.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here