Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in koox hubeysan ay goor-dhawd ku dhex dileen Dalka Koofur Afrika Xili uu ku sii jeeday Dukaankiisa oo ku yaalay deegaanka Khayelitsha ee hoosyimaada magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.
Ruux la dilay ayaa waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed shire Nuur (Miig shire).
Dad goob jooge ahaa oo la hadalay Idaacada Simba ayaa sheegay in dilka muwadinka Soomaaliyeed sababta keentay uusan ahyen isir naceyb balse waxay u badan tahay in ay ahaayeen dadka dilka geystay kuwa doonayay iney dhacaan hanti saarneyd gaariga uu Watay maadaama uu sanadku dhamaad yahay oo xillilyadaan oo kale uu kordho dhaca iyo dilka.
Ciidamada booliska dalka Koofur Afrika ayaa wada baaritaanno arrintaasi ku aadan oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi dilka ah ee argagaxa leh.




