Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa taageero hor leh ka dalbatay dowlada isutuga imaartaka carabta oo ku aadan arimaha bini’aadanimada ee ka taagan dalal ay Soomaaliya kamid tahay.
Iyadoo xasarado nololeed ay ka taagan yihiin dalalka Syria, yeman iyo kuufurta Sudan ayaa hadana dalka soomaamliya waxaa ku barakacsan in ka badan 1 million ah qaxooti Soomaaaliyeed ah kuwaa oo ku nool xerooyin barakacayaal iyadoo dalka muddo 27 sano ah dagaalo sokeeye ay ka socdeen.
Maxamed Cabdi Afeey oo ah ergeyga u qaabilsan Qaramada midoobay arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan qaxooti 27 kun barakacsan gudaha wadankooda,waxaana xerooyinka barakacayaasha uu sheegay in ay gaarayaan dad hor leh oo ka soo firxanaya deegaanadii ay ku noolaayeen.
Qaramada midobay ayaa rajo ka qabta in taageero ay ka helaan dalka isutaga imaaraatka carabta iyo wadamo kale si wax looga qabto xaaladda nololeed ee qaxootiga caalamka oo kuwa Soomaaliyeedna ay kamid yihiin.
Maxamed Cabdi Afey oo ah Ergeyga Qm U Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya ayaa booqasho saddex maalin qaadatay waxa uu ku joogay imaartka carabta waxaana uu kulamo la qaatay tiro hay’ado ah oo ay kamid yihiin Mohammed bin Rashid Al Maktoum Foundation, iyo hay’adda fadhigeedu yahay magaalada Ajman ee Sharjah waxaana kulamadiisa ay ku saabsanaayeen taageero u raadinta qaxootiga soomaaliyeed.

