Akhriso:-Diyaarado Dagaal oo Lagu Arkayo Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

0

Diyaarado Dagaal oo Joog hoose ku socda ayaa lagu arkay deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka degmada Garbahaarey ee Gobolkaas, diyaaradahaan dagaalka ayaa lagu arkayaa tuulooyinka hoos yimaada degmadas, iyadoo aan la ogeyn halka laga leeyahay.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in tuulooyin hoos yimaada Degmada Garba-haarey ay soo gaareen dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Dagaalyahanadan oo ka yimid dhanka Gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxaa la sheegayaa inay wehliyaan saraakiil sar sare, waxaana dadka deegaanka isla dhex marayaan inuu jiro Hoggaamiyaha Xarakadda Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Ma jirto wax duqeyn ah oo ay diyaaradahan fuliyeen, walow shacab-ka ay ka baqayaan in duqeyn ay dhacdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here