Guddiga isku xirka howlgalada military iyo howlgalka midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa shir kusoo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaa oo diiradda lagu saaray xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya.
Waxaa shirka ka soo qeyb galay wadamada ciidamadoodu ay ka tirsan yihiin howlgalka AMISOM ee soomaaliya ka howlgala ee kala ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria iyo Uganda iyo saraakiil katirsan military-ga dowlada Federalka Soomaaliya.
Waxaa intii uu socday shirkaan diirada lagu saaray howlgalka military Ciidamada AMISOM ay kawadan gudaha dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka guud ahaan dalka.
Shirkaan oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka socday Qaramada midoobay, midowga yurub, dowlada britian iyo dowlada mareykanka, iyadoo 4-ta bishan December la qorsheeyay shir ku saabsan amaanka Soomaaliya in lagu qabto magaalada Muqdisho.
Waxaa saraakiishii kulanka ka soo qeyb gashay ay ka hadleen sidii loo taageeri lahaa loona dhisi lahaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed si mas’uuliyadda amniga dalka ay ugala wareegaan ciidamada AMISOM.
Guddiga isku xirka howlgalada military ayaa isku raacay in la taageero hay’adaha dowladda Soomaliya, iyo maamulada hoos yimaada si hanaanka nabad galyo ee soomaaliya uu u hagaago.

