Xildhibaan Geelle “Wasiirada Cusub Waan La Xisaab-tamidoonaa ” + Dhageyso

0

Xili shaley uu madaxweynaha Maamulka hirshabeelle magacaabay golaha wasiirada cusub Maamulka hirshabeelle waxaa arintaasi ka hadlay xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle.

Xildhibaan Geelle isaaaq warsame oo katirsan baarlamaanka hirshabeelle ayaa u sheegay idaacadda samba in wasiirada cusub laga doonayo waxqabad muuqda in ay la yimaadaan.

XIldhibaanka ayaa tilmaamay in wasiirada cusub ay yihiin kuwo lala xisaabtami karo madamada aan laga soo dhex xulin xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle.

Dhinaca kale xildhibaanka aya sheegay in tiro ahaan wasiirada ay badan yihiin balse laga doonayo in ay la yimaadaan isbadel madamada shaqooyin badan ay ku hor gudbanyihiin golaha wasiirada cusub ee hirshabeell.

Xubnaha wasiirada ee Maxamed Cabdi waare uu soo dhisay shaley waxa ay ka kooban yihiin 57 xubnood balse waxaa gelinki danbe ee shaley is casilay mid kamid ah wasiiru dowlayaasha la magacaabay.

Halkan ka Dhageyso:- Codka Xildhibaan Geelle isaaaq warsame oo katirsan baarlamaanka hirshabeelle

 Z0000010

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here