Ciidamada gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan howl galada Africa ee African Commend ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay fiidnimadii Arbacada waxaa lagu sheegay in weerarkii dhacay 25’kii August aysan ku dilin wax shacab ah lkn hadafkooda uu ahaa wax ay ku sheegeen Caddow.
Taliyihii hore ee ciidamada Somalia iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ay si wadajir ah u sheegeen in dadka weerarkaas lagu dilay ay ahaayeen dad rayid ah, kuwaas oo meedadkooda loo soo qaaday caasimada Muqdisho.
Weerakii bishii Augest ayaa waxa uu ka dhacay beer ku taalo “Bariire” asagoona gudoomiyaha Gobolka “Cali Nuur Muxamed” uu wariyaasha u sheegay in dadka weerarkaas ku dhintay ay ku jireen Haween, iyo Caruur da’doodu u dhaxeyso 8 illaa iyo 10 sano.
Inkastoo Ciidamadda Dowladda Mareykanka u qaabilsan how galada Africa ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Africa-Com ay iska fogeeyeen in wax shacab ah ay ku dileen weerarkaas haddana maamulka “Trump” ayaa cadeeyay horaantii sanadkan in uu balaarinayo howl galadooda ay ku baacsana yaan ciidamada Al-qaacidada Somaaliya ee Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Somalia.
Ciidamada Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay dowladda Somaaliya ka taageeraan tababarida ciidamada, ayadoo sheegtay dowladda Mareykanka in ay jiraan in ka badan 500 oo katirsan ciidamadooda Militariga ah kuwaas oo ka howl gala dalalka ku yaalo geeska qaaradda Africa.
Si kastaba ha ahaatee warkan ka soo baxay, ciidamada gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan howl galada Africa, kaas oo lagu sheegay in weerarkii “Bariire” aysan ku dilin wax shacab ah, waxaana arintaan ay noqoneysaa mid laga dhuur sugi doono dowlada Somaaliya qaabka ay uga jawaab celiso hadalka dowlada mareykanka ee ah shacabkii lagu layay Bariire in lagu tilmaamo iney ahayeen Argagaxiso.

