Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Kenya iyo jubba-land Ku Sugnaayeen

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka dhaceen Qarax iyo weerar lagu qaaday fariisimo Ciidamada Mellitariga Kenya iyo kuwa Jubaland ku lahaayen Gobalkaasi.

Dagaal-yahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo kuwa Kenya ay ku lahayeen deegaanka Husingow ee Gobalka Jubbada Hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray weerarka ka dhacay deegaanka Husingow, wararka qaar ayaa intaa ku daraya inuu jiro qasaare labada dhinac so kala gaaray.

Ilo dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay inay maqlayeen qarax xoogan oo ay umaleynayaan inuu ahaa miinooyinka dulka lagu aaso lalana eegtay Ciidamo katirsan kuwa dowlada Kenya, balse aysan Xaqiijin Karin khasaraha rasmiga ee soo gaaray Ciidamadii halkaa ku sugnaa ee qaraxa lala beegsaday.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay iney ka dambeeyeen qaraxa iyo weerarka ka dhacay Hoosingow Ciidamada Al-shabaab qasaare kala duwana ay ku gaarsiyeen Ciidamada dalka Kena iyo kuwa Jubaland.

Xiriiro Idaacada Simba ay la sameysay Saraakiisha Mellitariga Maamulka Jubaland ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan Weerarka iyo Qaraxa ka dhacay deegaanka Hoosingoow, Shabaab-na ay sheegeen iney qasaare kala duwan ku gaarsiyeen Ciidamada kenya Iyo kuwa Maamulka Jubaland ee halkaa ku sugnaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan guulo ka sheegata weerarada iyo Qaraxyada ay la eeg taan Ciidamada Mellitariga Kenya iyo kuwa Jubaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubbada hoose, waxaana marar badan Gobalkaasi ka dhacay weeraro iyo Duqeymo ay Fulinayeen Diyaaradah dagaalka Dowladaha Mareykanka iyo kuwa dowlada kenya kuwaa oo beegsaday Fariisimo Alshabaab ay halkaasi ku lahayeen.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here