Dowladda Soomaliya oo Dhaqaalo Badan Ku Heshay Mowqifka Dhex-dhaxaadnimadda”,+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya islamarkaana ah xildheere wadamada carabta ayaa ka hadlay Mashaariicda Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaliya.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa  in faaido weyn ay Soomaliya ku qabto Mashaariicda Horumarineed ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaliya,islamarkaana ay ku heshay mowqifkii dhex-dhaxaadnimadda ahaa ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carabta.

“Mashaariicda ay balan-qaaday Dowladda Qatar in ay ka fulinayso Soomaliya hadii ay u dhacdo sidii la rabay waxa ay faaido u tahay shacabka Soomaliyeed iyo dowladda Soomaliya,waa wax lagu mahdiyo,waxaa rajeenaynaa in lagu guuleysto mashaariicdaas,tan iyo markii ay Soomaliya dhex-dhaxad ka noqotay khilaafka wadamada Khaliijka Carabta runtii wadamo badan ayay lacago ka heshay”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Dowladaha Soomaliya iyo Qatar ayaa shalay kala saxiixday heshiis ku kacaya 200-Million, kuwaasi oo ah mshaariic laga fulinayo guud ahaan dalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here