Booliska Australia oo Xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay Weerar

0

Ciidamada booliiska dalka Australia ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerar lagu qaado  xaflad  lagu soo dhaweynayay sanadka cusub ee  2018-ka, sida laamaha amaanka  warbaahinta u sheegeen.

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo 20 jir ah ayaa ku dhashay dalka Australia waxaana uu doonayay in qorayga AK-47-ka uu ku weeraro dad isugu soo baxay fagaaraha magaalada  Melbourne square ee dalka Australia, oo ah magaalada labaa ee ugu weyn dalkaas, sida uu sheegay gudoomiyaha booliiska gobalka Victoria Shane Patton.

Sanad walba dabayaaqadiisa waxaa fagaaraha Melbourne isugu soo baxa kumaan qof oo soo dhaweynaya sanadka Cusub.

Laamaha amniga dalka Australia ma aysan magacabaain muwaadinkan Soomaaliyeed laakiin waxa ay sheegeen in uu ku xirnaa Al-Qacidada Gacanka carbeed iyadoo la tilmaamay in website-kooda uu ka bartay sida weerar loo qaado iyo waliba sida qoriga loo rido.

Mr. Patton ayaa ku qeexay muwaadinkan Soomaaliyeed shaqsi la tuhun sanyahay oo qaba dareen ah in uu toogto dad badan oo hal meel ku kulmay.

Wasiirka cadaalada dalka Australia Michael Keenan ayaa sheegay in sidan oo kale bishii December 2016-kii  lagu qabtay fagaaraha Melbourne  afar qof oo doonayay in weerar noocaan oo kale ah fuliyaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here