War kasoo baxay taliska mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen saldhig dagaalyahanadda Daacish ay ku leeyihiin Deegaanka Dasaan oo ka tirsan degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Duqeynta ayuu Mareykanka sheegay in ay dhacday saacadda Marka ay aheyd 03:00 PM bariga qaaradda afrika islamarkaana lagu dilay hal dagaalyahan oo ka Tirsanaa Daacish.
“Dowladda mareykanka waxa ay kordhinaysaa garab istaaga Muwaadiniinteeda ku sugan Soomaliya, caawinta ciidamada AMISOM, Kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed, waxaa lasii xoojin doonaa duqeymaha lagu qaadayo saldhigyadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku tababartaan”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska mareykanka ee Afrika.
Waa duqeyntii labaad ee Mareykanku uu ka fuliyo deeganadda Maamulka puntland, kadib markii dhawaan uu duqeeyay saldhig dagaalyhanadda Daacish ay ku leeyihiin buuraha Gal-gala halkaas oo uu ku sugnaa Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaliya Shiikh Abduqaadir Muumin.

