Ciidamada Kenya oo Burburiyay Lix Xarumood oo Al shabaab ay Ku Lahaayeen Keymaha Boni 

0

Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ay burburiyeen lix xarumood oo Al-shabaab ay ku lahaayeen  keymaha boni  iyo deegaano dhaca jaziiirada  Lamu.

Agaasimaha howlgalka Boni Joseph Kanyiri ayaa sheegay in dagaalyanada goobahasi ay ka abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan dalka Kenya iyo kuwa Lamu laga fuliyo.

Waxaana uu sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen hub ay kamid yihiin qoryahah AK-47-ka, bambaanooyin gacan ku sameys-ka ah,cunno iyo daawooyin kuwaa oo laga helay xerooyinka Al shabaab ee keymaha boni oo Weerar ay ku qaadeen ciidamada Kenya.

Xili uu la hadlayay Wargeyska Daily nation Mr Kenyiri ayaa sheegay in tiro katirsan dagaalyahanada Al-shabaab in weerarkaasi lagu dilay xili ay doonayeen in ay baxsadaan, waxaana qaarkood uu tilmaamay in iyagoo dhaawac ah ay baxsadeen.

Agaasimaha Howlgalka Boni Mr Kaniyiri ayaa isbitaalada dhaca Deegaanada Lamu, Tana River, Garisa, kilifi iyo jaziirada Mombasa  ayaa waxa uu ku wargeliyay in ay soo sheegaan cid walbo oo dhaawac ah kuwaa oo raadinaya daawo caafimaad.

Waxaa ugu dambeyntii uu tilmaamay in howlgalka uu guuleystay kaa oo lagu ciribtirayo dagaalyahanada Al-shabaab ee ka howlgala dalka Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here