Wadaad Loo heysto weerarkii Mumbai Oo Xabsi guri laga Siidaayay

0

Wadaad u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Xafiid Saciid oo Hindiya iyo Maraykanka ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay weerarkii 2008-dii lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Mumbai ayaa xabsi guri laga siidaayay.

Ninkan oo madaxiisa saarnayd lacag abaalmarin ah oo dhan $10 milyan oo doolar ayaa ku jiray xabsi guri magaalada Lahore tan iyo bishii Janaayo.

Maxkamad dalkaas ku taala ayaa xukuntay in la siidaayo kadib markii ay diiday dooddii dowladda ee ahayd in uu halis ku yahay bulsha.

wadaadkan ayaa dhowr jeer loogu eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Al-qaacida iyo ururo kalo Islaamiyiin ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here