Wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Soomaliya

0

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa xildhibaanadda hortagi doona wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale isagoona horgeyn doona Hindise sharciyaadyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dila.

Sharciyadaan ayaa golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya markii ay ansixiyeen waxa ay sheegeen in uu yahay mid muhiim ah ismarkaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrimaha 1aad 2aad iyo 3aad.

Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka wax dila ayaa hadii la ansixiyo waxa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn.

Sidoo kale hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada waxa uu fududeynayaa in si cad loo beegsado shaqsiyaadka ka tirsan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here