Xildhibaan Ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Goordhaweyd lagu dilay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Ala Ha u Naxariistee Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu dilay meel ku dhow isgoyska Sayidka Ee Magaaladda muqdisho.
Dilka Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waxaana gaarigiisa oo ku soo dhawaaday gaariga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya.

