Xarakadda Al-shabaab ayaa ka hadashay war kasoo baxay Dowladda Soomaliya iyo Taliska Mareykanka ee afrika oo ku aadan in duqeyn ka dhacday Gobolka Baay lagu dilay dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab, Afhayeenka ciidanka ee Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa beeniyey hadalka ka soo yeeray dowlada Mareykanka ee ah in ay beegsadeen Saldhig ay Al-shabaab leeyihiin, kuna dileen in ka badan 100 askari.
“Warka ka soo yeeray dowlada Mareykanka waa been aan sal iyo raad midna lahayn. Ma jirto wax duqeyn ah oo lagu beegsaday saldhigyadda Al-shabaab, mana jiro xitaa hal Al-shabaab oo ay beegsadeen diyaaradaha Mareykanka” ayuu yiri Sh. Abuu Cabdi Casiis Abuu Muscab.
Sheykh Abuu Muscab ayaa sheegashada dowlada Mareykanka ku tilmaamay mid lagu daboolayo fashilkii iyo guuldarooyinkii amni ee Mareykanka iyo xulifadiisa ka soo gaaray hardanka ka socda Soomaaliya si gaar ah caasimadda oo dhawaan Mareykanka uu muwaadiniintiisa ku amray in ay isaga baxaan.
Dowladda Soomaliya iyo Taliska Mareykanka ee afrika ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaliya lagu dilay 100-askari oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

