Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-November-2017 oo ah maalintii ugu dambeysay tababarkii socday 3 maalmood tababarkaas oo ku saabsanaa Maamulka, Maareynta waxbarashada, Hoggaanka, Maamul wanaaga iyo Qorsheynta.
Tababarkaas oo loo qabtay Dalladaha Waxbarshadaha, Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Bulshada Rayidka wuxuuna socday 18-20-November-2017 dhammaan ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga faa’iideysteen casharadii ay ka barteen tababarka waxayna balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan saaxiibadood aan awoodda u helin tababarkaan.
Shaqo Wadareed maalintii 3aad
Su’aasha:
- Macallin qaba maamulaha dugsiga gabadhiisa ayaa qandaraas ka qaatay inuu 5 qol ku daro iskuulka madaama ardaydii ay badatay sannad dugsiyeedka 2008-2009 lacagtii ayaa kala go’day qololka iskuulka oo qabyo hal bil ayaana ka hartay furitaanka iskuulka?
- Maxaa xal ah?
- Yaa ka qeybqaadanaaya xal raadiska?
Kooxda 1aad:
- Xalka waa dhaqaale arruurin iyo dhameystirka dhismaha
- Wakhtiga furitaanka dugsiga oo dib loo dhigo
- Waxaa ka qeyb qaadanaayo
- Aasaasayaasha dugsiga
- Maamulka, Macallimiinta
III. Waalidiinta iyo bulshada deegaanka
Kooxda 2aad
- Xalka in la sameeyo guddi xal raadin ah
- In aan qiimeyno wax qaldamay iyo waxa aynu u baahanahay
- In si deg deg ah u dhisno 5 qol
- Waxaa ka qeyb qaadanaayo
- Waalidiinta dugsiga
- Guddiga waalidiinta dugsiga
- Deegaanka
- Maamulka degmada
Kooxda 3aad
- In macallinku uu saxiibadiiisa iyo qaraabadiisa la kaashado
- In maamulaha hadduu xal ka waayo wiilka u soddoga u yahay uu asaga buuxiyo
- In uu wiilka la buriyo oo waalidiinta loo bandhigo
Kooxda 4aad
- Xalka waa in lacag deg deg ah la helaa oo lagu dhameystiro dhismaha iskuulka
- Waa in la bedelo qorshihii hore ee dhismaha
- Yaa ka qeyb qaadan karo
o Dadka deegaanka
o Wasaaradda waxabarashada
o Maamulka degmnada
o Hayadaha waxabarashada taageero
o Maamulka iyo macallimiinta
Kooxda 5aad
- Xalka wuxuu yahay in la dhameystiro qabyada iskuulka
- Waxaa ka qeyb qaadanaayo:
- Guddiga waalidiinta ee dugsiga
- Macallimiinta Iskuulka
- Maamulka iskuulka
Kooxda 6aad
Xalka wuxuu noqonayaa in la dhameystiro qololka dhiman intaanan la gaadhin waqtiga furitaanka iskuulka.
Waxaa xallinaayo soddoga iyo wiilka, taasoo ay la kaashanayaan labada qoys
Shaqo Wadareed maalintii 3aad
Su’aasha:
- Waxaad laguu soo bedelay iskuul uu maamulihii kaa horreeyey joogay 15 sanno,waxaad ogaatay in dhibka hoos ku qoran uu jiro:
Macallimiinta, Waalidiinta iyo ardayduba niyad jab ayeey qabaan .
Macallimiinta waxay ku sheegeen in anshaxa ardaydu aad u liito sidaas daradeed loo baahan yahay in ciqaabta loo badiyo ardayda waxaad ogaatay in ardayda lagu qeyliyo markay iskuulka joogaan waxaa laguu sheegay in macallimiinta aysan waxba gudbin Karin (boring) waxaad ogaatay in iskuulku uusan sumcad wanaagsan ku dhex lahayn bulshada
- Ciqaabta ma kordhisaa anshaxa ardayga?
- Maamulkii hore wax raad ah maku yeelan karaa dhaqanka dugsiga?
- Sidee niyada ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo bulshada kor loogu qaadi karaa?
- Maxay tahay tilaabada ugu horreysa oo aad qaadi lahaydeen?
Kooxda 1aad
- Maya, ma kordhiso ciqaabtu anshaxa ardayga
- Maamulkii hore ayaan u degsaneyn barnaamijka barbaarinta carruurta
- Niyada ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta waxaa kor u qaadi kara:
- In Maamulka cusub uu diyaarsado barnaamijkiisa uu ku hoggaamin doono dugsiga
- Inuu diyaariyo kulamo iyo tababaro loo sameeyo macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda
- Maamulka cusub waa in uu qiimeeyo dhibaatadii dugsiga ka jirta iyo awooddaha uu heysto
- Inuu qiimeeyo Xaalka degaanka isagoo isticmaalaayo SWOT analysis
- Wuxuu maamulaha cusub dejinayaa qorshahiisa cusub
- Maamulka cusub wuxuu sameynayaa dabagal iyo qaabkii lagu ilaalin lahaa fulinta qorshihiisa
Kooxda 2aad
- Maamul xuma ayaa sababtay niyad jabka ardayda madaama awoodda ay ku koobneed maamulka
- Ciqaabta ma kordhiso anshaxa waxaa wax kordhiya in kor loo qaado niyad dhiska ardayda
- In la tuso Maamul wanaag lagana qeybgaliyo howlaha ka socda iskuulka
- In la sameeyo nidaam iyo kala dambeyn wanaagsan lana baahiyo maamulka
Kooxda 3aad
Ciqaabtu ma kordhiso Anshaxa ardayga ee waxay nacsiisa ardayga waxbarashada
Maamulkii hore saameyn waa yeelan karaa lkn waa in si tartiib tartiib ah looga tirtiraa dhaqankii hore iskuulka
La tashi badan in lala sameeyo macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda
Kadib inaan sameyno xog urrurin
Kooxda 4aad
- Ciqaabtu ma kordhiso anshaxa ardayga sidaa darteed ardayga waa in si cilmiyeeysan wax loogu sheegaa
- Dhaqankii hore ee maamulka iskuulka sameeyey way ku yeelan kartaa iskuulka laakiin si tartiib tartiib ah ayaa meesha looga saarayaa dhaqankii xumaa
- Ardayga waxaa niyadiisa kor logu qaadi karaa in la jeclaysiiyo waxbarashada oo abaalmarin la siiyo kuwa kaalimaha galay
- In macallimiinta tababaro la siiyo iyo dhiiragalin joogta ah
- Waalidka iyo bulshdana loo sameeyo wacyigalin ku saabsan iskuulka
- Maamulka cusub waa in uu la yimaadaa qorshe cusub iyo isla xisaabtan qof walba ah
Kooxda 5aad
- Ciqaabta ma korsdhiso anshaxa ardayga
- Haa, maamulka wuu ku yeelan karaa lkn waa la bedeli karaa iyadoo lala imaanaayo Maamul wanaag iyo waji ka duwan kii hore
- Wacyigalin iyo dhiirigalin loo sameeyo ardayda
- Shirar in lala yeesho guddiga waalidiinta
- Tababar loo furo macallimiinta si taydooda kor loogu qaado
- Maamulka cusub waa in uu la yimaadaa qorsho cusub kuna saleysan Maamul wanaaga
Kooxda 6aad
- Ciqaabtu ma kordhiso anshaxa ardayga
- Maamulka hore wuu ku yeelan karaa dhaqanka xumid dugsiga
- Maamulka cusub waa in uu la yimaadaa isla xisaabtan dhab ah iyo iskaashi ku saleysan Maamul wanaaga
- Waxaan sameyn lahayn:
- Guddi waalidiin
- Guddi macallimiiin
- Haddii uu jirayna waan bedeli lahayn madaama ay dugsiga ku dheeleen anashaxiisa
Gabagabo:
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-November-2017 waxaa la soo gabagabeeyey tababarkii socday muddadii saddex maalin ahayd oo ay soo qaban qaabisay hay’adda EFASOM kaasoo lagu baranaayey Maamulka, Maareynta waxbarashada, Hoggaanka, Maamul wanaaga iyo Qorsheynta.
Intaa kadib waxaa tababarka khudbado ka soo jeediyey mid ka mid ah macallimiinta tababarka bixinaayey Mudane: Maxamed Aadan (Keydsane) waxaan u mahadcelinyaa Allihii saddex barri noogu dhammeeyey si nabadgelyo ah mar labaad waxaan u mahadcelinyaa dhammaan ka soo qeybgalayaashii , macallimiinta iyo hay’adda EFASOM waxaan la dardaarmayaa ka qeybgalayaasha in cashardii inta ay ka barteen ay ku dabaqaan hay’adihii ay ka yimaadeen.
Mar kale waxaa qaatay hadalka mid ka mid ah ka soo qeyb-galayaasha Mudane: Sheekh Xasan Calasow wuxuuna aad ugu nuux-nuxsaday baahida ay u qabaan tababarkan waxaaan u mahad celinayaa hay’adda EFASOM iyo dhamaan ka soo qeyb-galayaasha.
kadib waxaa hadalka qaatay agaasimaha xiriirka dalladaha ee Wasaaradda Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane: Muuse Maxamed Caraale marka hore wuxuu u mahad-celiyey macalllimiinta bixineysay tababarka iyo ka soo qeyb-galayaasha waxaan dhiiri-gelineynaaa tababarada noocan oo kale ah iney sii socdaan isla markaana ugu faa’iideeyaan xubana aan u helin fursadda ee ka tirsan hay’adahooda.
Prof. Xuseen Tooxow Faarax oo ah guddoomiye ku-xigeenka EFASOM wuxuu ka soo jeediyey wax-qabadkii EFASOM ayna u taagan tahay mar kasta u doodista xuquuqda waxbrasho ee loo siman yahay, waxa ay kaloo EFASOM u taagan tahay iney tababaro siiso bahda waxbrashada iyo bulshada rayidka.
Guddoomiyaha IFTIN FOUNDATION Mudane: Abdiqaadir Maxamed wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday shaqada ay qabato Iftin Foundation wuxuu kaloona caddeeyey in Hay’adiisu ka tirsan tahay ama xubin ka tahay Ururka Waddaniga ah ee EFASOM wuxuuna soo jeediyey in laga shaqeeyo tayada waxbarashada lagana shaqeeyo nabadda.
Guddoomiyaha EFASOM Mudane: Maxamuud Cabdi Maxamuud, wuxuu guul ku tilmaamay mudadii seddexda berri aheyd ee uu tababarka socday in uu noogu dhamaaday si nabadgelyo ah waxaana u mahadcelinayaa macallimiintii tababarka bixineysay iyo ka soo qeyb-galayaasha dhamaantooda tababarkii halkan ka baxayna waxey muhiim u tahay dhammaan bahda waxbrashada iyo bulshda rayidka islamarkaana ay la wadaagaan wax ay ka barteen tababarka walaalaha kale aan fursada u helin.
Waddan kastana wuxuu ku horumaray waa dhanka waxbrashada marka waa in lagu dadaalaa waxbarashada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyio Tacliinta Sare Mudane Xasan Maxamed Cali anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Waxbarashada waxaan u mahadcelinaya dhamaan macallimiinta tababarka bixineysay, ka soo qeybgalayaasha iyo hay’adda EFASOM.
waxaan mar labaad u mahadcelinayaa sida ay wasaaradda ula shaqeeyaan EFASOM waxaan kaloo ka codsanayaa hay’adaha kale ee ka shaqeeyo waxbrashada sida EFASOM oo kale in ay la soo xiriiraan Wasaaradda Waxbrashada.
DHAMAAD







