Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in hoggaamiya kooxda Daacish ee Soomaaliya Shiikh Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari.
Waxa uu sheegay in howlgalkaas ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo Mareykan ah islamarkaana lala beegsaday Hogaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo dhawaan sheegay in uu ka baxay Al-shaabab.
Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin, xogta ay ka heleen hay’adahooga amnigana ay sheegayso inuu ka badbaaday weerarkaas, balse ay Puntland ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish-ta Soomaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyadda in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

