Kulan u Soconaya Madaxada Maamul Gobaleedyada & Xildhibaanada Aqalka Sare

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho uu Kulan kala Xog qaadasho ah uga Soconayaa Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo kuwa Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.

Kulankaan oo aan wali wax war ah kasoo bixin ayaa hada waxa uu ka soconayaa Magaalada Muqdisho waxaana iskugu yimid Madaxda Dowlad Gobaleedyada Hirshabelle, Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland kuwaa oo ku shiraya Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo Gabagabeeyay Shirkii u dhexeeyay Madaxda uga sareyso Dalka iyo kuwa  Maamul Gobolleedyada,iyadoo laga soo saaray Qodobo ay isku raaceeen Madaxii Maamulada Hirshabelle, Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Madaxda Dowlada Dhaxe ee Dalka.

Waxii kusoo kordha waan Idinla Wadaagi doonaa Insh Allaah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here