Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere ayaa Warbaahinta Dowlada u sheegay in Howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose lagu dilay 5-ka mid ah Xarakada Al shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 7-kale oo ka mid ah.
“Howgalka wuxuu ka socdaa Labada shabeelle ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku dhignay 7 Al shabaab ah 5-na waa laga dilay maadaama xilli roobab ah lagu jiro Taliska ciidanka xoogga dalka howlgalkan wuxuu ugu tala galay in ay ka qeyb qaataan Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo lugta kuwaasoo daba socda Shabaabka oo meel kasta kaga daba tagaya, goordhow ayaan soo afjareynaa howlgaladan insha allah”ayuu yiri Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere
Taliyaha ayaa dhinaca kale guul weyn ku tilmaamay sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Howlgalada, iyagoo fahmay dhagarta Al shabaab, isagoo sheegay in taasi ay fursad weyn siisay ciidamada xoogga dalka maadaama shacabka ay door weyn ka qaadanayaan Howlagalada iyagoo sheegaya meelaha ay u cararaan Al shabaab.
“Ciidamada waxaa habeen iyo maalin garab taagan dadka shacabka ah ee ku nool deeganada howgalka uu ka socda, waxay nala wadaagaan meelaha cadowga joogaan iyo qorshayaashooda waana guul weyn.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb weyn ka qaadanayaan maamulada Labada Shabeele
“Howgalka waxaa qeyb ka ah maamulada labada Shabeelle, oo iyagana Garabkeena taagan waxayna naga caawinayaan Tusidda meelaha lamari karo iyo jidadka maadaama Gobolka ay xog ogaal u yihiin sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaana loo soo afjarayaa kooxdan dhiig cabta ah”
Howlgallkan ayaa waxaa uu daba socdaa guluf dagaal oo lagu doonayo in lagu qaado Xarakada Al-shabaab Maadaama Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab.






