Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ee ku shirsanaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa ka hadlay doorashadda ka socota Maamulka Somaliland.
Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ololaha doorashadda Maamulka Somaliland.
“Waxaan bogaadinaynaa doorashadda Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota,waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Dhexe iyo maamulada.
Waa markii ugu horreysay oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hadasho Ololaha doorashadda Somaliland.

