Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Deg Deg Uga Baxaan Muqdisho

0

War kasoo baxay  wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu amray Muwaadinka Mareykanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya inay degdeg uga baxaan magaaladaani.

Qoraal ay baahiyeen guddiga diblomaasiyadda Mareykanka ee Soomaaliya qaabilsan ayaa lagu sheegay inay jirto halis dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meelaha ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xaaladda amaanka magaaladda Muqdisho ayaa la sheegay in ay tahay mid aad u helis ah.

Digniinta Mareykanka uu siiyay muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho ayaa ah tii ugu adkeyd ee dhowaanahan soo baxda, waxaana halis amni ee looga digay dadka Mareykanka ah ay salka ku heysaa dhaqdhaqaaqyada Xarakada Alshabaab, sida ay sheegeyso digniin hore oo Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka soo saarto.

Kadib Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho iyo kii Naasa-hablood 2 waxaa Mareykanka U digniino siiyay Muwaadiniinta kaga Sugan Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here