Dowladda Turkey-ga ayaa la sheegay in ay hub casri ah ku wareejisay Xukuumadda Federaalka Soomaliya.
Webka Turkish Press ayaa baahiyay in Xukuumadda Soomaliya loo gacan galiyay hub ka kooban 450 qori oo ah nooca loo yaqaan MPT-76 hubkan ayaa lagu sameeyey gudaha waddanka Turkiga.
Qorshahaan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay socodsiinta heshiiska tababarka iyo difaaca Wadajirka ah ee u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasi oo dhawan la saxiixay.
Sidoo kale dowladda Turky-ga ayaa hubkaan oo kale waxa ay ku wareejisay Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus ee Turkiga.
Dherarka Qoriga MPT-76 ayaa gaaraya 920; Mm halka culeyskiisu dhan tahay 4.1, Km, Waxa uu wax ka shiishi karaa 600; mitir, Waxa uu qorigani halkii daqiiqaba ka dhici kara 650; xabbadood.
