Guddiga adeegga garsoorka Koonfur galbeed Soomaliya oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo waxay sheegeen iney xilkii ka qaadeen guddoomiyihii maxkamadda sare ee maamulkaasi, Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax.
Waxa ay sheegeen in warkii uu sheegay guddoomiyaha ee ahaa in uu ku shaqeyn doono Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu yahay waxbo kama jiraan, waxaana ay tilmaameen in khilaaf horey uga dhex jiray iyaga iyo guddoomiyaha uu xalliyey madaxweyne Shariif Xasan.
Maxamuud Sheekh Xasan oo kamid ah guddigan ayaa sheegay in dhibaato badan oo ay arkeen kadib ay go’aan ku gaareen in shaqada ay ka joojiyaan guddoomiyahii maxkamadda sare ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
Xilka guddoomiyaha maxkamadda sare waxaa si KMG ah loogu magacaabay Sheekh Miidis Maxamed Xuseen.

