Magaaladda Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-shabeelle waxaa Goordhaweyd gaaray wafdi uu hogaaminayo raisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Wafdiga uu horkacayo raisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed Soomaliya, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.
Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda.

