Tababarayaal ka tirsan hay’adda tababarada Tot ee howlgalka midowga africa Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa magaalada Nairobi ku soo gabagabeeyay kulan socday mudoo 12 maalin ah kaa oo looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa askareynta caruurta goobaha dagaalada ay ka socdaan.
Tababarka o ay ka qeybgaleen ugu yaraan 23 wakiil oo ka kala socday ciidamada xoogga dalka soomaaliya ee militriga,booliiska iyo waaxda sirdoonka qaranka ay kamid ahaayeen ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiil ka socotay dowlada federalka soomaaliya.
Madaxa ilaalinta qaramada midoobay u qaabilsan iaalinta deegaanka ee AMISOM kareem adebayo ayaa hoosta ka xariiqay in cunug walba oo soomaaliya ku dhasha inuu qatar ugu jiro in la askareeyo waxaana uu codsaday in la’ilaaliyo caruurta Soomaaliyeed si aysan uga lug lahaan kooxaha hubeysan.
Xubna ka socday urur fadhigiisu yahay dalka britian kuwaa oo u ololeeya nabadda dalalka geeska africa ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan dadaalo ay ku doonayaan soo afjaridda askareynta caruurta Soomaliyeed waxaana ay xuseen in Soomaaliya ay ku qaban doonaan tababaro nuucaan ah oo loo qabanayo dadka Sooomaaliyeed.
Kulankan oo diirada lagu saarayay sidii looga hortagi lahaa in caruurta loogu faa’ideesto dagaalada ayaa waxaa lagu soo bandhigay xirfadaha suurta gelinaya in laga taqaluso askareynta waxaana ay sheegeen muhimada ay leedahay farqiga u dhaxeeya in caruurta labaro nabadda loona sheego waxa dagaaladu yihiin iyagoo sidoo kale tilmaamay in goobaha waxbarashada ay tahay halka ay kaga badbaadi karaan in la askereeyo caruurta.

