Yaa ka danbeeyay dilka Xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras)

0

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii Xildhibaan, C/xakiin Jaamac Cilmi oo ka tirsanaa baarlmaanka Jubaland, kaasoo ay kooxo hubeysan xalay ku toogteen Xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegayn inay dilkaas iyagu mas’uul ka ahaayeen, ayna sii wadi doonaan ugaarsiga ay ku hayaan xildhibaannada ka mid ah golaha baarlamaanka maamul-goboleedka Jubaland.

xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras) ayay kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka mid ah toogteen xalay, kaddib isaga oo la taagnaa nin uu bar garanayay.

“Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhibaanka Jubaland ka tirsan loogu geystay Xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo Weerarrada noocan oo kale ahna waan sii wadaynaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Al-shabaab soo saartay.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyen Magaalada Kismaayo waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan xubno dhowr ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay in iyaga dilka Xildhibaanka ka danbeyeen.

Xildhibaan Tima-faras, ayaa wuxuu noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, laguna dilo Magaalada Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here