Dowladda oo Caawa Shaacin Doonta Xogta Rasmiga ah Qaraxii Isgoyska Zoobe

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in caawa ay shaacin doonto Xogta rasmiga ah ee ku saabsan qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo dilay in ka badan 300-qof.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Hay’addaha amaanka caawa ay soo bandhigi doonaan Xogta rasmiga ah ee Qaraxii Zoobe.

Waxa uu sheegay in labadii maalin aynu soo dhaafnay Hay’adda Amaanka Dowladda Soomaliya ay ku mashquulsanaayeen sidii loo ogaan lahaa khasaaraha rasmiga qaraxii isbuucaan gudahiisa ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Waa qaraxii ugu saameynta badnaa ee Magaaladda Muqdisho ka dhaca tan iyo markii Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab laga saaray magaaladda sanadkii 2010-kii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here