Puntland oo Diyaarad Sida Daawo ah iyo Dhaqaatiir Usoo Direysa Muqdisho+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Diyaarad sida Dawo iyo Dhakhaatiir gurmad ah la qorsheeyey in loosoo diro Muqdisho ,si ay qeyb uga noqdaan gurmadka Qaran  ee loo fidinayo dadkii ku dhawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Guddi ka kooban Wasiirada Puntland ayaa sidoo kale lagu magacaabay Shir deg deg ah oo xubnaha Golaha xukuumaddu ku yeesheen Madaxtooyada Boosaaso , si ay qeyb uga noqdaan gurmadka loo fidinayo shacabkii waxyeelada xoogan ay ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho ka dhacay.

Puntland ayaa noqotay Maamulkii ugu horeeyay ee gurmad usoo dira Magaaladda muqdisho oo dhawaan uu ka dhacay qarax Gaari TM loo adeegsaday  kaasi oo galaaftay nolosha dad gaaraya 300-ruux halka uu dhaawaca uu  marayo 400 oo qof.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here