Raisulwasaare Kheyre oo Xalay Tagay Goobtii uu Qaraxu Ka Dhacay+(Sawirro)

0

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho, Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Raiisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here