Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.
Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ma uusan shaacinin sababaha ka dambeeyay in uu iska casilo xilka afhayeenimo oo loo magacaabay 30-kii bishii April sanadkaan 2017-ka kadib wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya Maxamed Abuukar Islow.
Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa horey usoo noqday afhayeenka Laamaha Ammaanka ee Dowlad-gobaleedka Jubba-land.
Waa mas’uulkii seddexaad oo Dowladda Soomaliya ka Tirsanaa oo is casila kadib iscasiladii Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfiid, iyo wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed.

