Markab kuwa wax badbaadiya ayaa soo samata bixiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal ah kuwaa oo caruur ay kamid yihiin iyagoo ku socdaalayay biyaha badda Madetereanina-ka.
Maraakiibta waxbadbaadiya ee looyaqaano Aquarus oo ay la howlgalayeen ururada caafimaadka ee SOS Iyo dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegay in muhaajiriintan ay ka yimaadeen 15 dal oo dhaca qaaradda Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Tahriibayaashan aya la sheegay in ay ku socdaalayeen doon baco ka sameysan iyadoona dadka tahriibayay ay kamid yihiin haween uur leh iyo labo caruur sagaal bilood jir ah sida ay sheegeen ururka lamagac baxay badbaadada Madeteranian-ka Ee SOS.
Muhaajiriintan oo la geeyay dalka talyaaniga ayaa ka yimid dalalka Somalia Benin, Eritrea, Ethiopia, Nigeria, Syria and Yemen.

