Muddo Kordhin Loo Sameeyay Guddigii Loo Xil saaray Baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in muddo kordhin loo sameeyay Guddigii loo xil saaray baaritaanka Kiiskii C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF.

Guddigaan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa lagu waday in 10-kii bishan ay Warbixin ka keenaan baaritaankii ay ku sameeyeen kiiska, balse dib ayay u dhacday.

Warar ayaa sheegaya in muddo bil loogu kordhiyay inay sii wadaan baaritaanka oo ay macluumaad rasmi ah u keenaan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya .

Ilo ku dhow dhow Guddiga ayaa sheegay in dib u dhacyo ay ku yimaadeen kulamada ay yeelan lahaayeen todobaadyadii u dambeeyay, taasna ay sababtay inay macluumaad dhameystiran ay ku hor-geyn waayeen Guddoonka Golaha shacabka.

Kiiska C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa loo xilsaaray Xidhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya , kadib markii Xukuumadda Soomaliya ay sheegtay in lagu saxnaa Go’aankii lagu dhiibay sarkaalkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here