Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa goordhaweyd ansixiyay heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.
161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.
Kulanka Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa wali socda oo waxaa dhiman ajandeyaal kale oo golaha horyaala.
Xildhibaanda Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka doodayay heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista waxayna soo dhameeyeen akhrinta heshiiskaas.
Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa dhigaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.

