Guddigii Loo Saaray Baaritaanka Kiiskii Qalbi Dhagax oo Maanta Warbixin Laga Sugayo

0

Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Shiikh Muuse  Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in ay soo saaraan warbixin ku aadan baaritaankooda.

Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa Guddigaan magacaabay 18-kii bishii September waxayna ka kooban yihiin 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka,howshooda ayaa aheyd inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, iyagoo la kulmay dhinacyo kala duwan.

Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.

Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon.

Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.

Shacabka Soomaliyeed ayaa isha ku haya warbixintaan iyo sida ay noqon doonto, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here