Ciidamada Kenya oo Sheegay In Ay Dileen Dagaalyahano Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegey in ay dileen Askar ka tirsanaa al-Shabaab ayna sidoo kale saanado ciidan ku soo qabteen, howl gal ay ciidankoodu sameeyeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada, David Obonyo, ayaa sheegey in howlgalka oo ka dhacay deegaannada keymaha Boni iyo Bodhey ay ku dileen shan ka Tirsanaa  al-Shabaab.

Waxa uu Obonyo sidoo kale sheegey in ay ku soo qabteen howl galkaasi lix qoryaha AK47, 321 rasaas, iyo seddex bam gacmeedyo.

Al-Shabaab ayaa hore weeraro uga geystay deegaannadaasi gudaha dalka Kenya ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here