War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax xoogan in uu ka dhacay Goordhaweyd halkaas.

Qaraxaaan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee Miinada loo yaqaano ayaa ka dhacay Degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Digfeer.

Dad la hadlay goordhaweyd idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya oo halkaas marayay.

Qaraxa kadib Ciidamada ayaa furey rasaas oo aad u xoogan oo aan la ogeyn qasaaraha ay dhalisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here