Ciidamada Police-ka howlgalka AMISOM ayaa qalab xafiiseed casri ah gaarsiiyay ciidamada booliiska maamulka koofur Galbeed Soomaaliya si ay ugu caawiyaan kor u qaadida amaanka maamul gobaleedka Soomaaliyeed.
Waxaa u gadoomay deeqda maamulka koonfur galbeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada booliiska maamulka koofur galbed iyadoo gudoon siinta deeqda taliska AMISOM uu u qaabilsanaa John Ambayo oo ah taliyaha ciidamada booliska AMISOM u qaabilsan maamulka koonfur galbeed ee Somaliya.
Qalabka oo u badnaa kuwo xafiiseed waxaa kamid ah computer, mashiinada wax lagu daabacdo, roogag iyo solaro lagu baahinayo dhamaan xarumaha ciidamada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Xaflada deeq wareejinta oo hadal kooban uu ka jeediyay General Ambayo ayaa waxa uu sheegay in u jeedka uu yahay horumarinta adeegyada ciidamada booliiska iyo si loo sii wado dhaqan gelinta sharciga iyo kala dambeynta.
Ciidamada Booliiska AMISOM ayaa door muhiim ah ka qaata tababaridda ciidamada dowlada Soomaaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada dalka.
General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ka gudoomeen qalabka waxaana uu xusay in ay yihiin waxyaabo laga maamrmaan u ah howlaha ay qabtaan isagoo xusay in laga jawaabay codsi ay hori ugu dareen howlgalka AMISOM ee Somaliya.

