Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Ku-xigeenkiisa

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyadda maamulka Puntland waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Madaxwaynaha maamulka puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisa Eng Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey.

labada mas’uul ayaa isku maan dhaafay ka qeyb galka shirka magaaladda kismaayo iyo in shaqada dib loogu soo celiyay taliyaha ciidanka booliiska maamulka puntland Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg)

Eng Cabdixakiin  Xaaji Cumar camey ayaa 3-dii bishan sheegay inaysan ka qaybgali doonin shirka kismaayo oo uu ku dhawaaqay hogaamiyaha jubaland axmed madoobe ee uu sheegay in gogol loogu dhigayo maamulada dalka iyo dawalada federalka ah.

Dhanka kalana Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas waraysi uu siiyay warbaahinta ayuu ku soo dhoweeyay shirka uu ku baaqay maamulka maamulka jubba-land Axmed madoobe, sheegayna inay ka qayb gali doonaan.

Hadalkan Haas ayaa ka hor imaanaya kii ku xigeenkiisa cabdixakiin camey oo ahaa inaysan puntland ka qayb gali doonin gogosha magaaladda kismaayo.

Dhanka kale 27 august 2017 ayaa madaxweyne ku xigeenka puntland camey oo markaas ahaa kusii sime madaxweyne ayaa shaqadii ka fariisiyay xilkiina ka casilay taliyaha ciidanka booliiska maamulka puntland cabdulqaadir shire faarax (ereg) kadib markii ay isku maandhaafeen arrimo la xiriiray maxaabiis lagu xiray xabsiga garoowe.

Wareegto khilaafsan tii camey oo shalay kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shaqadii dib ugu fasaxay taliyaha ciidamada booliiska cabdulqaadir shire faarax (ereg). qoraal kooban oo madaxwayne gaas ku muujiyay wareegtadaas ayuu ku sheegay in ereg uu sii wadan karo shaqadiisa kadib ku dhawaad 40 cisho oo uusan shaqay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here