Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo haatan ku sugan dalka Zambia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu khilaaf kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas).
Camey ayaa wararka lagu sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweyne Gaas waxa uu ku tilmaamay kuwa ay baahiyeen dad kasoo horjeeda hormarka Maamulka Puntland, islamarkaana ay jirto kaliyah in uu ka hor yimid Shirka Magaaladda Kismaayo.
“Mudadii aan xilka haynay aniga iyo C/wali Gaas Puntland hormar weyn ayaan gaarsiinay ma jiraan wararka ku aadan in uu khilaaf naga dhaxeeyo”, ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay sababtuu ugu horjeystay shirkaas in ay aheyd in aan la cadeenin qodobada loogu hadlaayo islamarkaana aysan ka qeyb galaynin Dowladda Soomaliya.
Waxaa soo baxay galinkii dambe ee shalay in uu qilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo isku qilaafay shirka Magaaladda Kismaayo iyo in shaqadiisa loo fasaxo Taliyaha Ciidamada booliska Maamulka Puntland Jeneraal Ereg.

