Dhageyso:-Dhaqaale Yahan Guuleed Wililiq Waa Nasiib-daro In lacag Cusub La Soo Daawaco Xilligaan 

0

Aqoonyahan Guuleed Wililiq oo bartay culuumta dhaqaalaha kuna sugan Wadanka Mareykanka  isagoo lahadlay idaacda Siimba ee Magaalada Muqdisho ayaa kahadlay qorshaha ay dowlada kuso daabaceyso lacag cusub shillimaad  iyo warqado isugu jira oo ay dowlada Suudaan kagacan siineyso

Dhaqaale yahan Guuleed ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in xilligan dowlada ay ku dhawaaqdo daabicida lacag cusub iyado aan ogeyn dhaqaalaha wadanka kasoo  galo iyo wixii kabaxayo waa sida  uu hadlka u dhigay

Aqoonyahankan  ayaa sheegay in dowladu qorshahan ay ku dagdgeeyso wuxuu yiri waxaa habooneyd in labadiyo lacagaha kasoo xarooda canshuuraha iyo Dakadaha si ay uheelan lacag kufilan kadibna ay usoo jeestaan daabacaada lacag cusub

Sidoo dhaqaaleyahankan ayaa carabka ku dhuftay inay kharash badan ku baxeeyso daabacaada lacag cusub wuxuuna tilmaamaay in word bangi ay guul utahay in ay lacag kale oo deyn ah amaahiso dowlada Soomaaliya hadii ay ku dhaqaaqdo qorshaha daabacaada lacagtan cusub

Dhinaca kale Guuleed ayaa kahadlay fatahd uu sameeyay wabbiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabbeellha dhexe wuxuuna sheegay in  ay dib u dyactir heli waayaan biyo xireenada iyo kanaalada  wuxuuna kutaliyay in dowlad dhexe ay talaabo uqaado musiibadn soo noqnoqatay si loo yareeyo aafooyinka soo wajaha beeraleeyda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here