Qarax qasaaro geystay oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Warka aynu ka heleyno Jaamacadii hore Ummadda ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho lagu tuuray Bam gacmed.

Warar hordhac ah oo halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Goob ay ku sugnaayeen ciidamada lagu tuuray Bam gacmeed, waxaana halkaasi ku dhaawacay ilaa Lix ka mid ah ciidamad Jubba.

Goobjooge ayaa soo sheegaya in qaraxa ka dib ciidamada Howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen tiro dhalin yara ah oo ay ku tuhmayaan iney ka danbeeyeen bamka lagu soo tuuray.

Xaaladda ayaa iminka ah mid degan, waxaana la arkayaa ciidamada xasilinta oo heegan ku jira, sidoo kale waxaa yar dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee dagmadaasi.
Dhanka kale xarakada alshabaab ayaa sheegatay iney ka danbeeyen qaraxa maanta ka dhacay Jaamacadii hore Ummadda ee degmada Wadajir ee magaalada muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here