Al-shabaab oo Sheegatay Dil ka Dhacay Muqdisho

0

Alshabaab ayaa sheegatay dil loo geestay askari katirsan Ciidamada Dowlad somaliya oo ku sugnaa dagmada hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Kooxahan oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay toogasho ku dileen Askari ka mid ahaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba aya sheegay in dilka kadib raggii hubeysnaa ay hore u qaateen Qorigii uu watay Askariga lagu dilay toogashada.

Dableydii ka dambeysay falkaasi dilka ahaa ayaa durbaba isaga baxsaday goobta, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo kuwa amaanka oo bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku batay dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo Askar, Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Odayaasha qaarkood ee ka soo qeyb qaatay doorashooyinka ay ku soo baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here