Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku dhimatay oo Naafo ahaa kadib markii uu jiiray Gaari Xamuul waday Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda muqdisho.
Shilkaan ayaa ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Qudaarta.
Qof kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu shilka ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay In gaariga uu soo fariin goostay islamarkaana uu sidaas shilka ku dhacay.
Goobta uu shilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ee ka howlgala Degmada Holwadaag kuwaasi oo u kuur galaya siduu shilka u dhacay.

