Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas ee Dalka Maraykanka+Sawirro

0

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay 100 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here