Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka bariire ee Gobolka shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka Bariire oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in weerar hoobiyayaal ku bilowday ay Al-shabaab ku qaadeen deegaankaas islamarkaana uu jiray toos ahaa oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ee weerarka qaaday.
Dhanka kale Saraakiisha amaanka Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas uu ahaa mid gaadmo ah islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhshay dagaalkii ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waa dagaalkii Labaad ee Xarakada Al-shaabab ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose bishaan gudaheeda kadib weerarkii todobaadkii aynu soo dhaafnay ay ku qaadeen deegaankaas.

