Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa wada qorshe ay kaga hortagayso shirka ay yeelan doonaan Madaxda Maamul goboleedyadda ee ka dhacaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaliya loo dirayo Magaaladda Kismaayo, si ay Mas’uuliyiinta Jubbaland kala hadlaan arrimaha shirka.
Xubnaha ku wajahan magaaladda kismaayo waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka C/raxmaan Dheere iyo xubno kale si ay u qanciyaan Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, oo shirkaan martigalinayo.
Dowladda Federaalka ayaa ka cabsi qabta in shirka maamul goboleedyada uu dhaco, iyadoo doorkii dowladda dhexe uu ka maqan yahay, sidaas darteed ay dooneyso in shir guud oo ay dowladda hoggaamineyso la qabto.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dowladdu ay u aragto shirkaas mid awood siinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaasoo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.
27-kii bishii aynu soo dhaafnay madaxda maamul goboleedyadda ayaa soo saaray qoraal ay ku cambareynayaan faragalinta lagu hayo Maamulka Galmudug, iyadoo isku balansaday shir ka dhacaya Magaaaladda kismaayo.

