AMISOM oo War Kasoo Saartay Shil Ciidamadooda Ka Geysteen Muqdisho

0

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa war kasoo  saaray dhacdadii Ciidamada AMISOM ay ka geysteen shalay galinkii dambe isgoyska KM-4 ee Magaaladda muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay  AMISOM ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay shil nasiib darro ahaa oo mid ka mid ahaa gaadiidkooda uu ku dhacay Gaari yar oo shacab leeyihiin Isgoyska KM 4 talaadadii 26 Septmeber 2017.

AMISOM waxay sheegtay in Gaariga gaashaaman ee shilkaasi ku lug lahaa ay ku timid cilad joojiyihii uu shaqeyn waayay (brake system failure), taasoo dhalisay in shilkaasi uu ku lug yeesho.

AMISOM waxay sheegtay inay wadahadal u socdo milkiilihii gaariga shilka galay, isla markaana ay dooneyso inay dib u xaqiijiso inay ka go’an tahay inay dadka Soomaaliyeed ka taageerto soo celinta nabadda iyo xasiloonidda.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo maanta la kulmay dadkii gaariga laga waxyeeleeyay ayaa sheegay in AMISOM ay arintaan kala hadlayaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here