Al-shabaab oo Sheegtay Weerar Maanta Ka Dhacay Degmada Xamar-Weyne

0

Xarakada Al Shabaab  ayaa sheegatay  weerar qorshaysan oo maanta ka dhacay Wadada Via Roma ee Degmada Xamar ee Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa lagu daabacay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab oo  gaari watay ay  degmada Xamarweyne ku beegsadeen gaari ay laheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe.

Al -shabaab waxay xaqiijiyeen in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac,islamarkaana lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi, iyo wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo lagu magacaabi jirey Axmed Jaamac Xirsi.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in Ururka Haweenka Qaranka uu yahay urur dhankooda ugu diiwan gashay mid duminaya dhaqankii ay lahaayeen haweenka Soomaliyeed,islamarkaana xiligii doorashada uu ka shaqeeyay sidii haween badan dowladda u biiri lahaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here