Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waqooyiga Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Virginia.
Kulanka Jaaliyadda iyo Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa waxa uu ku saabsanaa in Raisulwasaaraha Soomalida ku nool Gobolkaas la wadaago halka ay mareyso xaaladda Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu u sheegay Soomalida gobolkaas ku nool in wadanka uu ka wanaagsan yahay sidii hore islamarkaana la gaaray guulo muhiim ah oo ay ka mid tahay amniga iyo dhaqaalaha.
Balse Intii ay socotay Khudbadda Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa waxaa hoolka galay labo qof oo ka careysnaa Go’aanka dowladda Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ah sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF oo dhawaan Dowladda Soomaliya u gacan galisay Dowladda Ethopia.
Labada Qof ee hoolka galay ayaa kor u qeyliyay waxaana ay sababtay in hadalka Raisulwasaaraha Soomaliya istaago.
Inta badan dadka Soomaliyeed ayaa aad ugu soo horjeystay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku dhiibtay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal ka Tirsan jamhadda ONLF.

